Alla maanta ayaanta
iyo iida wanagsan
ilaaheen na siiye
isaga ku abaal leh

Alla maanta iyo maanta
si wanaagsan u ciida

Calankeena iftiimay
xidigta ku asteeysan
ilaaheen na siiye
isaga ku abaal leh

Alla maanta iyo maanta
si wanaagsan u ciida

Arday joogta iskoolka
odayaal talinaaya
ilaaheen na siiye
isaga ku abaal leh

Alla maanta iyo maanta
si wanaagsan u ciida

Hadba kii arin keena
kan kale aqbalaaya
ilaaheen na siiye
isaga ku abaal leh

Alla maanta iyo maanta
si wanaagsan u ciida

Alla maanta ayaanta
iyo iida wanagsan
ilaaheen na siiye
isaga ku abaal leh

Alla maanta iyo maanta
si wanaagsan u ciida

Exit mobile version