Cabashiyo caloolyow
ciil kaama bi’iyaan
tala cayn wareegtana
la iskuma canaantee
caqli iyo hubsiinaa
cidhib looga aayaa
cidna eersan maayee

Sida ciyowga aydaan
casarkii dhawaaqaa
ama cawsha duurkaan
cidla duur wareegaa
ciirsilaa anays dhigay
iyo culuuqan gaystoo
cidna eersan maayee

Jacayl waa cadaawoo
cidi kaama qaadee
dawa lay cabsiiyiyo
cashar wan ka quustee
waxa cunaha dhaafiyo
cunto waan ilaawoo
cidna eersan maayee

Cirku nimuu kusoo dumay
cidi kama dulqaadee
dhulku miduu la ciirana
laga caawin maayee
Casharkii ihaleelaa
cadkii iga dhameeyoo
cidna eersan maayee

Cawa iyo ayaankuba
calaf eebe weeyee
cisigiyo wanaaguna
lama celin karaayee
ciirsila’ anays dhigay
iyo culuuqan gaystoo
cidna eersan maayee

Heestu waa ??cidna eersan maayee (caloolyow)
fanaankuna waa Tubeec
(boqorka codka)

Lyric by abdulaahi sandhooye

Exit mobile version