Cishadaan arkaybaan
Caafimaad qabaayee
Cilmi waad maqasheen
Caynkii uu unoqdee
Cimrigiiba jacayl
Wuu cawaaqib xub yahay…

Caashaq ruuxuu helaa
Kolay waa cadib maa
Curyaamowday Haduu
Cago kaa xidh xidhee
Cimrigiiba jacayl
wuu cawaaqib xun yahay…

Waa calaacaliilayn
Cidhibtiisa danboo
Ciro’un baa udanbayn
Ruuxii uu cuskadee
Cimrigiiba jacayl
Wuu cawaaqib Xun yahay…

Cusayb maaha dadoow
Cudurkaa ihayaa
Cabla waad maqasheen
Cantar baan ahayoo
Cimrigiiba jacayl
Wuu cawaaqib xun yahay!

Heestu waa Cimrigiiba jacayl
Fanaankuna waa Tubeec
(boqorkii codka)
Eryadii Xusen aw faarax

Lyrics by abdulaahi sandhooye

Exit mobile version