Dhaaxaan gunimiyo dhibaato mutoow
Dhooba aa laygasaaray dhinacyadee
Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee
Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee

Dhaxaan baqay sidaan dhufaan ahoo
Dhiigaay i qaraacaan ka dhoorsnayay
dharaartaan asaageey dhinac galayaan
ku dheresaday soo ma soo dhicin

Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee
Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee

Dhaaxuu gaalka qaatay dheeraadoow
Anigoon dhiman maalka layga dhaxloo
Dharaarteey xaqeyga la ii dhigay
la ii dhiibay soo ma soo dhicinee

Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee
Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee

Dhaxaan biyo moodnay dhalanteedo
Dhab loo qaatay Been la soo dhadhabeer
Dharaartaan shiisheeye dhoofinee
la ii dhaafay soo ma soo dhicinee

Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee
Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee

Dhaxaan gaajo iyo haraad danqalmee
Dharaartaan u soo dhibaato mutaay
dhoola qosol ma igu dhacayee

Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee
Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee.

Lyrics by Eng Nurkaafi ·

Exit mobile version