Dhool da’ay lamoodyee
Wan kugu dhadhabayaayee
Dharaartaynu kulanaa
Dhulku ila wareegee
Dhimasho iyo Nolol
Wali kala dhex joogaa
Dhankii aad imarisaba
Kuu dhiibay taladee
Adna haygu dheerayn
Dhibaatadan ihaysee
Iisoo dhaweeyoo
Aan dhamayno xaajada

Dhabi baxay lamoodyee
Wan ka dhursugayaayee
Dhawaaqaan jeclaystaan
Dhaqso kaaga filayaa
Dhayal haw malaynine
Wayga dhab caashaq weeyee
Wadnahay dhufanayoo
Dhiigayga nuugayee
Adna haygu dheerayn
Dhibaatan ihaysoo
Iisoo dhaweeyoo
Aan dhamayno xaajada

Dhal wadaad lamoodyee
Indhahaa ku dhaygagayee
Dhabanada hilaaciyo
Dhoolo ka qosol kaagee
Dhaqaf joog sigaygaa
Dhalaanku iila yaabaa
Yuuku dhaafin hadalkuye
Ii dhaga nugloowoo
Adna haygu dheerayn
Dhibaatada ihaysoo
Iisoo dhaweeyoo
Aan dhamayno xaajada

Lyrics by abdulahi sandhooye

Exit mobile version