VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Geydh - Lyrics

Maxaan gayd la jiifsaday maxay gocasho ii tiil maxaan ciil la gabax idhi jacayl igu gadaadnaa maxaan gawro dhaxameed socod aan gayoobayn gabar yahay daraadaa waagu iigu galac yidhi inaad gaari dumariyo marwo guudka dabatiyo garashada haweenkiyo tahay midab ka gooniya oo quruxda gabigeed rabi ugu gargaaroo niimaalka guudnimo ama xubin la gaasiro aan lahayn gun iyo baar gediisii inaa tahay nabi yuusuf gacalooy maanshee laguu garay calaf laba galay meel heshiiskaynu gaadhniyo anigana go'aankay haduu guule igu simo waxa aan ku gawracay wadna igaga go'an yahay gobeey adiga mooyee Hilba aanan gayniyo dumar wayga garanuug waxa ay guntuna tahay gaffa ii run sheegoo waa dhaqanka gaarkaa soomaali goornaba socod guuray ma daayee maruu guggu hagaagoo awrta ciirta loo culo ariguna ka gees galay waad guray is mooloo hadimada la goostiyo aqal gaafa waynbaa yacay kaga gigsiinee adoo gabanadii wada guudkana ku sida qaar garyo maqashi waar gayd. Heestu waa geyd fanaankuna waa tubeec (Boqorka codka) Lyric by Abdulahi sandhooye
Queue is empty
-- / --