Heesta Haddaad iga maqnaato - Lyrics
Mahiigaan da'aayiyo
Hilaac mayay la moodyee
Muuqaagaan jeclaystaa
Markaad igu timaadee
Hadaad iga maqnaatana
Maankaygaa ku raacoo
Meelaan jiraba mooyee
Marwooy dumar u mudaneey
madheedh baxay la moodyeey
Magoolkii makaad iyo
Man iyo ubax la moodyeey
Milgiyo sharaf aduunyada
Midii ugu horaysaay