Heesta Hanbalyo iyo salaan - Lyrics
Cilmi sow hoggiisi
Hindisuhu imuu geyn
Hambalyiyo salaam iyo
Hees sow umaan tirin
Halka uu ku noolyahay
Hanti wuxuu guddoontee
Hor ILAAHEY ugu tegay
Hubi sow is maan oran
HODAN sow ma waydiin
Show waa nin hoydoo
Ifka taar la haystee
Kama helin jawaabtii
Xalay fiid horaadkii
Sow haatufkiisii
Hudhudki u soo diray
Gacan haadiskiisii
Kama halacsan sheeddoo
Horin bay la socotee
Kama harin barbaartii
Wuxuu yiri halyeygii
Ama haadda soo faray
Ku billaabay heeskii
Ninkan ila hadlaayee
Ii soo hiloobee
Howdkiyo xabaalaha
Hiilkaygu keenee
Hambalyada i siiyee
Hogga iiga yeerow
Hab-dhaceeda maansada
Adigaa higaadshee
Anigana war iga hoo
Waxa howli joogtaa
Ama lagu harraadaa
Hanad lagu ciriiryaa
Hanti lagu gumaystaa
Dumar hoodo leeyay
Ragga hoos u eegaan
Hoogtada adduunyee
Halka aan ku noolahay
Janno weeye hodan oo
Hurdo lagu dhergaaye
Qofka Samir hambaystaa
Godka kuma hungoobee
Ifka hadimmadiisiyo
Dhibtu way horraysoo
Ma huraanka aakhiro
Anigaa ku haystoo
Guri hoos qaboobiyo
Halab bay hor taallee
Hogol bay kor joogtoo
Onkod iyo hillaac baa
Dusha iga hareeyoo
Haro aan go’ayn baan
Darayaa haruubkoo
Hoobaan bislaataan
Haqab li’i dhex joogaa
Ishu halacsanaysaa
Nafta waxan ku habayaa
Sida hooyo wiilkeed
Naasaha horaadkiyo
Haaneedka siisiyo
(Nirig) …..ka nuugee
HODAN iyo jacaylkeed
Dani iga ma haysee
Dar kalaa……
Hablo Xuural-caynaan
haasaawiyaayoon
Huwanahay dhabtoodoo
Lagu yiri u heesoo
Geel ii horwayn baa
Igu soo hormarayoon
U hayaa wadaantee
Howl bay sugaysee
Haye nabad walaalow