Haweeyaay hir doog laay
Hoobaan bislaataay
Hawdka oo haleeloo
Lagusoo hayaamaay
Hadmaad naftaydan
Haqabtiraysaa Haweeyaay?

Hadimadaadaan la hadhsan waayoo
Jacayl i heeraan
La hugmayaayoo
Aday Hoddooree

Hubaal naftaad hogaamisoo
Halyay Hanqar may banaanee
Hurdo layga waayoo
Aduun baan habeenkii
Riyo kuugu heesaa!
Adaw horeeya haweenkoo
Hablahaad ku dhaaftay hubqaadkoo
Waan ku hanwaynoo
Adaan ku haybsha
Maysu hagar baxaynaa
Mays heli karaynaa
Mays hanan karaynaa!

Lyrics by Abdulahi sandhooye

Exit mobile version