Heesta Hinqanaya - Lyrics
Heenseeyey geenyada
halab saday dusheedoo
Hangagaarka orodkiyo
Hirigtay imartiyo
Haray yeeshaan
Wali hibanayaa
Jini may hagoogoo
Hiirtaanyo Iyo Ciil
Miyay huq igu reebtay
Sida geel horwaynoo
Barya hawdka jirayoo
Oo gob koo caleenliyo
Kaymahii lawaayoo
Hanfi iyo kulayliyo
Dhirtu habaqle so maray
Lasoo taagay haradoo
Heesuhu maqlaayiyo
Loo qaadey Hoobeey
Hadba yaan Hinqanaya
Sida goray haldhaayoo
Barya hadaf ahaayoo
Hohobtiyo Madheedhkiyo
Guranaaya himirtoo
Hoobaantii uu cunay
Dhirtu u hadhaayay
Oo hugunka kibirkii
isguhaaribaysoo
Hareeraha dayaysoo
Hadba yaan Hinqanayaa
Sida geesi hanadoo
Hootadii Iyo warankiyo
Hubkii uu lahaan jiray
Hoostiisa yaalaan
Dadku cadaw haleelay
Lagu xidhay hogaan adag
Nafta Hoobinaayoo
Inuu hawl yaraan baxo
Aan hubanti filanayn
Hadba yaan Hinqanayaa
Sida Aar Hamuumoo
Intuu hallac dilooday
Miciduu lahaan jiray
ka huraaya Hilibkoo
Markuu dhiigu haw yiri
Hilaaciisu uu maray
Soo haliilay dabadeed
Cidiyaha saaray Hilibkii
Hadba Yaan Hinqanayaa
ADIGUNA HAGOOTOO
HADALKAYGII DIIDEE
NABSI WAA HADH GEEDOO
MA HAKADO HALYEYGUYE
Lyrics by SANDHOOYE