Jacayl wanaajin maayee
cilmi kii la jaqaf yidhi
jaafaa juglay helay
xarig igu jirdhacayoo
igu jiriiriq siiyoo
feerahay jajabayee
Jugna igama daayoo
anuu waa jareeyee
jil jileec hanoqon buu
jabaq iigu sheegaaye
janaa kuu danbaysuu
jawharad lamood baad
jaalaheeda noqon buu
jabaq iigu sheegaa

Jiradaas inuu yahay
hurdo jiifsan waayoo
way diiday joogee
nafta wuu jirabayoo
jeegaan sidaan ahay
isagay jan jeedh shee
jugna igama daayoo
anuu waa jareeyee
jil jileec hanoqon buu
jabaq iigu sheegaa
Jannaa kuu danbaysuu
jawharad lamood baad
jaalaheeda noqon buu
jabaq iigu sheegaa

Jarrow igu kaxaystoo
orod jaggaca mooyee
socod waan ka jiitee
waan jiddiin qalalayoo
sidii jibini ay dhici
dhagaha ijowllee
jugna igama daayoo
annuu waa jareeyee
jil jileec hanoqon buu
jabaq iigu sheegaa
jannaa kuu danbaysoo
jawharad lamood baad
jaalaheeda noqon buu
jabaq iigu sheegaa.

Heestu waa jabaq
fanaankuna waa tubeec
(boqorka codka)

Lyric by Abdulaahi sandhooye

Exit mobile version