VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Libin - Lyrics

Kii laba dibleeyee Qays loxodka geeyee layla iilka dhigaybaa Aniga i lumiyoo Leexada i saaroo La laamo doodee Laydha iga qariyoo Ifkaan u liitaa Bal lugooyadaa daya Intaan laba laxaadsaday Anoo ladan aan laacoo Aanan libin ka gaadhine Laab raac jacaylbaa Sida qaalin layliya I laadlaadinaayoo Luggo kuma agtaginee Waxaan ahay nin luukiyay Oo ruuga lulaayoo Isagoo lilaahiya Soo laaci waayee Bal lugooyadaa daya Intaan laba laxaadsaday Anoo ladan aan laacoo Aanan libin ka gaadhine Wakaa i lumiyoo I luufluufshay anigoo Lahan igu abuuro Lafta dhabarka iga jaree Hadba ila lagdamayee Igu laalaabanaayee Markaan laama doodsado Luqunta iga fuulee Bal lugooyadaa daya Intaan laba laxaadsaday Anoo ladan aan laacoo Aanan libin ka gaadhine
Queue is empty
-- / --