Marwooy marwooy
Marwooy dumar u mudaneey
Hadaad iga maqnaatana
Meelaan jiro ba mooyee
Muuqaagaan jaclaystoo
Meelaan jiro ba mooyee
……………….
Mareerkii masaariyo
Man iyo ubax la moodyeey
Muuqaaagaan Jaclaystaa
Markaad i hor timaadee
Hadaad iga maqnaatana
Meelaan jiro ba mooyee
Muuqaagaan jaclaystoo
Meelaan jiro ba mooyee
………………..
Miyi iyo magaalaba
Midii laga majeertaay
Muuqaaagaan Jaclaystaa
Markaad i hor timaadee
Hadaad iga maqnaatana
Meelaan jiro ba mooyee
Muuqaagaan jaclaystoo
Meelaan jiro ba mooyee
…………………
Labada Mu’miniintaa
Midii laga abuuraay
Muuqaaagaan Jaclaystaa
Markaad i hor timaadee
Hadaad iga maqnaatana
Meelaan jiro ba mooyee
Muuqaagaan jaclaystoo
Meelaan jiro ba mooyee
W/Q Maxamed Koorre