VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maxaan riyo - Lyrics

Maxaan gaydh la jiifsaday Maxay gocasho ii tiil Maxaan reer la gaba xidhay Jacayl igu gadaadnaa Maxaa gawre dhaxameed Socod aan gayoonayn Gabadhyahay daraadaa Waagu iigu galac yidhi Inaad gaari dumariyo Marwo guudka dabatiyo Garashada haweenkiyo Tahay xulani gooniya Oo quruxda gabigeed rabi ugu gargaaroo Heemaalka guudnimo Ama xubin la gaasiro Aan lahayn gun iyo baar Geddiisii inaa tahay Nabi yuusuf gacalooy Hubaashii laguu garay Calaf lama garniibee Heshiiskaynu gaadhniyo Anigana go'aankay Haduu guule igu simo Waxa aan ku gawracay Warna igaga go'anyahay Gobeey adiga mooyee Hilbo aanan gayniyo Dumar wayga garanuug Waxa ay guntuna tahay Gaafkaynu leenoo Waa dhaqanka gaarka ah Soomali goornaba Socod goray ma daayee Maruu gu'gu hagaago Awrta ciirta loo qubo Adhiguna ka gees galay Waa gurays nugaloo Godimada la goostiyo Aqal gaafyo wayn baan Yacay kaga gig siinee Adoo gabanadii wada guudkana ku sida qaar Xeryo maqasha Waad gayn.
Queue is empty
-- / --