Meel ramashiyo badano
dhirtu raama bixisoo
ruux midhaa leedahay
Rayskiyo barwaaqadiyo
Ay wada udgoon yihiin
been laguma reeyee
waad iraali galisee
ruuneey isoo eeg!

Meel raaxo badanoo
roobku uu ku hooroo
biyuhu laba rog manayaan
Raha iyo maroodiga
ay wada rafiiqmeen
been laguma reeyee
waad iraali galisee
ruuneey isoo eeg!

Meel ramad ku dhalayoo
dhirtu ay is qabatoon
lagu raacin xoolaha
Reeruhu ku badan yihiin
isusoo rugeeyeen
been laguma reeyee
waad iraali galisee
ruuneey isoo eeg!

Meel aarka reemay
saanta saydhinaayoo
gorayadu ka roortaa
Awada rucleeyaan
raad raadiyaayee
been laguma reeyee
waad iraali galisee
ruuneey isoo eeg !

Heestu waa RUUNEY ISOO EEG
fanaankuna waa TUBEEC
(boqorkii codka)

Lyric by sandhooye

Exit mobile version