VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sababkale ‘Tubeec Version’ - Lyrics

Siday tahay nafteydiyo lama socotid howlaha sanadahan i haystee sasab iyo wax sheegiyo samir waan ka quustoo wa inaan salgaadhee Adna sibiq ku dhaafiyo salaan guud ha joogtee sidee tahay imaad odhan intaad soo dhawaatee Sabab kale ha moodinee suntaadii habeenadan waan ka seexan waayoo seedahaad i goysee Xalay baan saqdii dhexe sariirtaan ku jiifsaday Sagaal jeer ka toosoo Suudiga cadceediyo sol iyo abaar baan sahay li'i fadhiistee Adna way sagsaagtoo subaxdaan is aragniyo saacadan aan kuu imi iima kala sukeysidee Sabab kale ha moodinee suntaadii habeenadan waan ka seexan waayoo seedahaad i goysee Midabkaagan sagalkee seymo roob aad moodiyo sanqaroorka kugu yaal suuradaada oo qudha ma siisteen aduunyada hadeey ii sinaatee adna sidig irmaan baad saac doogu yaalo seeraha ku maashoo ina soori waydee Sabab kale ha moodinee suntaadii habeenadan waan ka seexan waayoo seedahaad i goysee kumaba saamaxaayee
Queue is empty
-- / --