Waan heesayaaye
sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.

Waa laga helaayoo
hadhow lagu xasuustaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

Qaar kaa horeeyoo
hodanaa na dhaafee.
Halkii loogu mahad naqay
ka habaabi maysidee.

Ku hadhayna dabadaa
waa la hubsan doonaa.
Kii noo hagaagee noqo
loo han weyn yahay.

Waan ku heybineynee
ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
habeen dhalad barwaaqiyo.

Nimco la harsan dooniyo
hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

Exit mobile version