VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida jaawa geel - Lyrics

Sida jaawa geeloo jiilaal abaariyo jeel iyo haraad helay Xalay jeleledkaygii jaarkaa kutoosoo kaa jiifi waayoo adiguna majoogtide Mawaxaad isoo jirin markaan iilka jiifsado ee jahada lay dhigo... Sidii aan jid dheeriyo soo jiidhay buurahaa jir jirada udhacaye jilba dhiigu iga da'ay jacaylkuna kudaydayay kaa jiifi waayoo adiguna majoogtide ma waxaad isoo jirin markaan iilka jiifsado ee jahada lay dhigo... Sida jibinta roobkiyo jirkoo da'ay habeenimo jeexahii godnaa iyo Jidhaamuhu biyoobeen rahu jalaw kalee yahay! kaa jiifi waayoo adiguna majoogtide ma waxaad isoo jirin markaan iilka jiifsado ee jahada lay dhigo... Jiqi jiidh madheedhliyo jilbiskiyo abeesada sidii aan ku joogsaday kala booday jaantii jiraad igu abuurtoo kaa jiifi waayoo adiguna majoogtide mawaxaad isoo jirin markaan iilka jiifsaso ee jahada lay dhigo. Heestu waa JAAWO fanaankuna waa Tubeec (Boqorkii codka) Lyric by Sandhooye
Queue is empty
-- / --