VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Taladaan La Ruugin v2 mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed S Tubeec
Taladaan La Ruugin v2

Tubeec

rugta lagu abaarsado
daranta iyo uumiga
hadaan reerka laga rarin
xoolahaa ku riiqmee
nafteydaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursal

naftadaa i raacdee
iga raarideysaa
hadii ay run kaa tahay
kaa roori maayee
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec

geel rimay ninkii sugey
raadsadey markuu dhalo
ramadkiisa maaloo
baahida ka reystaa
nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursal

hawraar la raaciyo
raad malaha beentuyo
qalbigaan rigrigey bay
ruxayaan maahmaahduye
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec

rasamaalka guurkiyo
raaxada adduunkiyo
raaliyo ninkii hela
raganimo ku faanee
nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursaal

rag waa xilo-bilaaliyo
geesi ruuxa deeqee
midaad tahay rabaa oge
kala reebo faalada
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

codkii Mahamed S Tubeec, Maryan Mursal