VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taladaan - Lyrics

Tubeec Rugta lagu abaarsado daranta iyo uumiga hadaan reerka laga rarin xoolahaa ku riiqmee Nafteydaa ku raacdee waa run ee waa run ee adna hayga roorine Maryan Mursal: Naftadaa i raacdee iga raarideysaa hadii ay run kaa tahay kaa roori maayee Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa Tubeec: Geel rimay ninkii sugey raadsadey markuu dhalo ramadkiisa maaloo baahida ka reystaa Nafteyaa ku raacdee waa rune waa rune adna hayga roorine Maryan Mursal: Hawraar la raaciyo raad malaha beentuyee qalbigaan rigrigey bay ruxayaan maahmaahduye Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa Tubeec: Rasamaalka guurkiyo raaxada adduunkiyo raaliyo ninkii hela raganimo ku faanee nafteyaa ku raacdee waa rune waa rune adna hayga roorine Maryan Mursaal: Rag waa xilo-bilaaliyo geesi ruuxa deeqee midaad tahay rabaa oge kala reebo faalada Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa
Queue is empty
-- / --