VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waqti - Lyrics

Waqtiyoow dhibaatada dhalinyaro intaan ahay haysoo dhawaynine waxaan ii dhamaynayn sharaftayda dhawrayn dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtayda Waqtiyoow dhul omosoo wabiyadu is dhaafin beeraha dhexdoodiyo dhirtu ubax macaan dhalin dhaayaha uroonayn dhalin yaro intaan ahay dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtayda Waqtiyoow dhismaha guud dawlad aan dhaliiloo dhibaatada igaadhiyo kawarqabin dharaar qudha dhaqankaan ku noolahay dhalinyaro intaan ahay dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtayda Waqtiyoow la dhaqan dumar lama dhaafi karayee dhalanteedka caashaqa mid ah toban dharaarood ama aanu dhab ka ahayn dhalinyaro intaan ahay dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtayda Waqtiyoow dhurkaagiyo aduunyada dhiskeediyo dhaxalka iyo doogiyo dhoobadiyo canbuushiyo kugu dhaarshay diintee arimaha aan kuu dhigay dhalinyaro intaan ahay dhagaha iyo aragaba ka dheeree agtaydaa. Heestu waa Waqti fanaankuna waa (Tubeec) boqorka codka Lyric by sandhooye
Queue is empty
-- / --