VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta In la i talinaayo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed Yuusuf
In la i talinaayo

naftan caashaqu taabay
uu talaabo u diiday
waxaan u tabanaayo
adiga u taahilaaye
inta aad jar ka tuurtay
inta aad jar ka tuurtay
sow umaad tudhi waayin
inta aad jar ka tuurtay
inta aad jar ka tuurtay
sow umaad tudhi waayin

miyaan taahu ku raagay
ee tabaalada sheegtay
hadaad caashaq la tiicday
talo waa ta ilaah
in la ii talinaayo
in la ii talinaayo
taa miyaanad ogaynba
in la ii talinaayo
in la ii talinaayo
taa miyaanad ogaynba

ninkan tiisii cuslaysee
adna kaa tagi waayay
nafsi waa tukubaaye
inta aanu ku taabin
tawba waa ma huraane
towba waa ma huraane
maad ka tow siisid meesha
tawba waa ma huraane
towba waa ma huraane
maad ka tow siisid meesha

waynagaa u tosownay
tabtii layliyo qayse
ku talaashay jecayloo
qalbigayga ku taale
waa tabaalo aduune
waa tabaalo aduune
rabi ha inala tiirsho
waa tabaalo aduune
waa tabaalo aduune
rabi ha inala tiirsho

hadu waa talantaali
ruuxba maalin tashaaye
hadaan taabka ku hayso
anba kaama tageene
wadnahaygaad ku taale
wadnahaygaad ku taale
taa miyaanad ogaynba
wadnahaygaad ku taale
wadnahaygaad ku taale
taa miyaanad ogaynba

tabta roobku daruurta
hadba uu tus keena
hadalkaad i tidhaahda
igu sii tarmayaaye
anba waan ku tabaaye
anba waan ku tabaaye
taa ku taamilo qaado
anba waan ku tabaaye
anba waan ku tabaaye
taa ku taamilo qaado

codkii Mahamed Yuusuf, Saynab Ali Baxsan