Heesta Dakir - Lyrics
daakirada subaxiyo
dar intaan ku jiibsaday
ilaa uu habeen dumo
dikrigiyo quraankiyo
afku adiga mooyee
waa iga diiday hadal kale
adigoo aan deeqiyo
midna aan diiday odhan
danta garo u jeedada
doqonbaa ku raacoo
igu kaa dirqinayee
maxaa dumarka dheertahay
doondoonistaadiyo
sidaan kaaga daba dhacay
doqoniimo ha moodine
dadku wuxuu arkaynbaan
duulaan ku ahayoo
indhuhu ay ku daalen