Heesta Dookh - Lyrics
dunidaba adaan kaa doortayoo
dookhuna aduu ku dul meerayaa
dumar lama sinide
darajo iyo wanaag
DAAIMKAY ku sii
dadku wada qiree
danta guud ahaan
daryeelkeediiyeey
diintiyo dhibtii
tii daryeeshayee
dawadii naftee
aan ku diirsadaay
waxaan doonayaa
inaan dadab galnoo
daaliyo xanuun
aan dabar jarnoo
durdurada jacayl
aan ku dabaalanee
duunyiyo maal
ALAA deeq baxshee
dalkeenaa qurxoon
dalxiis ma u tanaa
dagalkeena wacan
damaashiyo ciyaar
ma dabaal dagnaa
ma isu daawanaa
diintan iyo hidaan
duugoobinoo
dhaqan dabacsanoo
aanan dayn karayn
daahii naftiyo
darmo ii ahaw