Heesta 4.5 qaadan mayno - Lyrics
taariik qormaysaa
qiso iyo dhacdaba leh
dhaaxaan qaranimo
qorshe agu heliyo nabad
aan qalqaalnaynoo
midnimada quwaynee
dhaxaan qardoofiyo
qamuunyiyo sokeeyaha
aan ka dhawrnay qaladkoo
soomaalaay walaalnimo qadarinee
qofkii horumarkaagiyo
qiimahaaga necebaa
kuu quudhin guushee
dhaaxaa is qalataay
qiirada i haysiyo
waxaan qayb u yeeshaba
ku qabawso kugu yidhi
wadadi doraad lagu qasaariyo
4.5 qaadan mayno
qaranimo wanaagsane
qabyaalada daaya daaya
gobol gobol wax ku qaato
degmo degmo wax ku qorsheeya