Anoo koxodiyo xarago dhigay
Xuduuda jacayl xadkii gali
Xishoodoo hablaha aan xaaleyn
Xidiid xiiso yarag tidhaahdee

Anoo koxodiyo xarago dhigay
Xuduuda jacayl xadkii gali
Xishoodoo hablaha aan xaaleyn
Xidiid xiiso yarag tidhaahdee

Xurmooy xubnahaaga kala shuban
Tintaada xanjada ka xaadan tahay
Suniyo xiribaha isku wad xidhay
Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo
Xalayto miyaan hurdada laday

Xurmooy xubnahaaga kala shuban
Tintaada xanjada ka xaadan tahay
Suniyo xiribaha isku wad xidhay
Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo
Xalayto miyaan hurdada laday

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta xaawaley nool
Xurmooy inantaan xushaad tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta xaawaley nool
Xurmooy inantaan xushaad tahay

Anoo xoor iyo xareed tacab
Xan mooyee jacayl xogtii hayn
Xurmada kuu riyoo rag xaaleyn
Xiktooyin siisay aragtidaadii

Anoo xoor iyo xareed tacab
Xan mooyee jacayl xogtii hayn
Xurmada kuu riyoo rag xaaleyn
Xiktooyin siisay aragtidaadii

Aqliyooy daymada xishoodkay
Xubiga quruxdaada ku xasilay
Xididka yuusufbaan cid kaa xigin
Xalaawa jidiinka aan xagan
Xariirto la daawadaa tahay

Aqliyooy daymada xishoodkay
Xubiga quruxdaada ku xasilay
Xididka yuusufbaan cid kaa xigin
Xalaawa jidiinka aan xagan
Xariirto la daawadaa tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta geesi xay nool
Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta geesi xay nool
Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay

Anoo xaysto xiiso guur dhigay
Ku beeray jacaylka xaajiyay
Xaslada xiilkan gaara heesidee
Xubigu u xiisay aragtidaadee

Anoo xaysto xiiso guur dhigay
Ku beeray jacaylka xaajiyay
Xaslada xiilkan gaara heesidee
Xubigu u xiisay aragtidaadee

Xurmooy xubnahaaga kala shuban
Tintaada xanjada ka xaadan tahay
Suniyo xiribaha isku wad xidhay
Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo
Xalayto miyaan hurdada laday

Xurmooy xubnahaaga kala shuban
Tintaada xanjada ka xaadan tahay
Suniyo xiribaha isku wad xidhay
Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo
Xalayto miyaan hurdada laday

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta xaawaley nool
Xurmooy inantaan xushaad tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta xaawaley nool
Xurmooy inantaan xushaad tahay

Garaad xakimkeenu kugu xeer
Xogtii gabadh loo xushaa tahay
Xurmada mid la xiisayaa tahay
Xajiin kuu dhalaa xasuusoo

Garaad xakimkeenu kugu xeer
Xogtii gabadh loo xushaa tahay
Xurmada mid la xiisayaa tahay
Xajiin kuu dhalaa xasuusoo

Xortii ku dhashaa xaqdhawrka leh
Xerada kuu kortaa xajiinka badan
Xulbaa tahay garasho xeel dheer
Xalaawa jidiinka aan xaganiyo
Xariirto la daawadaa tahay

Xortii ku dhashaa xaqdhawrka leh
Xerada kuu kortaa xajiinka badan
Xulbaa tahay garasho xeel dheer
Xalaawa jidiinka aan xaganiyo
Xariirto la daawadaa tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta geesi xay nool
Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay

Xan iyo beeni waa iga xaaraan
Xisaab inta geesi xay nool
Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay

Exit mobile version