Heesta Ma waxaan lajeclaan baa - Lyrics
jacal igu soortayoo
darteed jiifka ladi waayay
jeenan bay ii ahaatoo
iyadaa jawi beertoo
ma waxaan la jeclaanbaa
jamashuu igu beeray
qalbiguu jibaaxay
niyaduna jaraqysoo
xubigu igu jibaarye
ma waxaan la jeclaanbaa
qosolbay jag ka siisoo
jihadeeda abaaroo
jeegaan weeyi ilaacdoo
jamaal keedaa ideeqee
ma waxaan la jeclaanbaa
jaguu laabta ku yeeshoo
najtuu jaar lahaadoo
halkuu joogaan doonaa
farxadaydu jibneeyee
ma waxaan la jeclaanbaa
iyadaa jeclahoo
jiidatay naftaydee
la jeclay igu baahdoo
sidhabaan ujeclaadee
ma waxaan la jeclaanbaa
isagaan jeclahoo
jiitay wadnahaygee
la jeclaw igu baahiyo
sidhabaan ujeclaadee
ma waxaan la jeclaanbaa