Maalmihii qurxoonaa
Maalmihii qabooba
Maalmihii quwayniyo
Qiimo igu labayn laa
2x
Maalmihii qalbiga iyo
Nafti daashey qawlkii
Qardoofkiyo haraadkii
Qaayo ugu badali laa
2x
Qayrka maalmihi qabaye
Galay qaadir mahadiiye
Waniga qarow li'i
Qaloodiyo isif li'i
Raaxada qudh qudhiyee
Rayn raynta qaabilay
2x
Maalmihii qanaacada
Maalimihii quraysiga
Maalmihii qabliidiyoo
Qaflad iga furfuri laa
2x
Maalmihii qorshayn iyo
Qaraar ii tusmaynlaa
Maalmihii ha quusane
Hirka dhaafi odhan laa
2x
Qayrka maalmihi qabaye
Galay qaadir mahadiiye
Waniga qarow li'i
Qaloodiyo isif li'i
Raaxada qudh qudhiyee
Rayn raynta qaabilay
2x

Exit mobile version