VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xaalad adag - Lyrics

Markuu xidigii sanaag Xidhiidh kayagii af jaray Intaan galay xaalad adag Miyaan weheshaday xasuus 2x Kolkuu qalbigeyga xaday Intuu xidhay sheekadii Miyan xiliyadan qadhaadh U xaadiray murugo badan 2x Xumaan isagoo i baday Xaalkeedana aan isiin Miyuu xog ogaali yidhi Midkaad u jeclayd arliga Xaqiiq naagba hantiday 2x Tolnimo isagoon xurmayn Jacaylka xaqiisa siin Xitaa ehelnimo tix galin Miyaan u haya xaqdhowr 2x Anoo ku xaniban block Xabsiga caashaqa ku jira Intaan suugaan u xulo Miyan u xusaa sidii 2x Xumaan isagoo i baday Xaalkeedana aan isiin Miyuu xog ogaali yidhi Midkaad u jeclayd arliga Xaqiiq naagba hantiday 2x
Queue is empty
-- / --