Deeqii aan rabay
Damacaygu raacay
Doorkii hablahaad tahay
Daacadii haweenkaay

Dad isku duuban inaan noqonaa
Deegaan guri aan lahaano
Danteena ku jirta

Durdur iyo doog soo baxaayay
Mar ninkii ku daawada
Ku dayn karayn

Dad isku duuban inaan noqonaa
Deegaan guri aan lahaano
Danteena ku jirta

Dareenkii naftaydaay
Dookhii jacylkaay
Dawo ii lahaydaa
Adna ii dadaal

Dad isku duuban inaan noqonaa
Deegaan guri aan lahaano
Danteena ku jirta

Exit mobile version