Habeenkiiyo dhan
Hilin wareegoo
Adaan kaa helayoo
Ku haybiyaaye
Yaan haraadine
Isoo hor joogso

Hadalka keeda
Hadaan maqlaynine
Hurdo wanaagsan
Heliba maayee
Yaan haraadine
Isoo hor joogso

Hanaanka quruxda
Tii loo hibeeyaay
Haweenka oo dhan
Ugu horaysaay
Yaan haraadine
Isoo hor joogso

Exit mobile version