Kululaadayee
Ma kobtaadan joogine
Kurbo aduun kalinimo
Kari maaye aniguye

Kamo kamo kaalay huunoo
Kashkiyo laabta ii soo saar

I kaalmeeyoo
Kun ka roonahaygoow
Karti rageed kalsooni
Aday kaliba kugu tahay

Kama kama kaalay huuno
Kashkiyo laabta i soo saar

Markii aan ku eegaba
Waxba igu kordhaaye
Kubabkaagan kala xidhan
kalidaabay keentee

Kama kama kaalay huunoo
Kashkiyo laabta i soo saar

Kalgacaylkaa
I kadeedinaaya
Kaymuhuu kor u dhaafoo
Lama koobi karayee

Kama kama kaalay huuno
Kashkiyo laabta i soo saar

Exit mobile version