Samada dusheeniyo
Dayaxaa ka sokeeyiyo
Xidigaha siraata
Isku saaxad maahee
Way kala sareeyaan

Adna sabankan hablaha kacay
Qurux tii u sdatiyo
Sareediyo waxaad tahay
Sad iyo calafkaan sugaayee
U samraayay waligay

SAATIR waxaan baryaayaa
Inaad soo dhawaatoo
Saaxiloon ku nooliyo
Seeraha boorame
Togdheeriyo salaxlay timaadee

Dadku sifaha guud
Sawraca iyo aragtida
Duaha way ka simanyihiin
Sumcadiyo wanaaguna way kala sareeyaan

Adna safka aynigaa kacay
Marna lama sinidoo
Qurux waad u sidataa
Waanad ugu saraysaaye
Sawjadaan jeclaayeey

SAATIR waxaan baryaayaa
Inaad soo dhawaatoo
Saaxiloon ku nooliyo
Seeraha boorame
Togdheeriyo salaxlay timaadee

Exit mobile version