Xalay mooyi meelaan jiree
Mashquulkaagaan ahaa
Caawana dhulka waa madaw
Adoon ii muuqanayn
Anigu ka maqsuudayee

Mahiigaan kalgacalbaa
Mawjadihiisii mirayoo
Ayaa igu maaxayoo
Jacaylbaa igu miranaye

Naftaa ku magansatee
Anaad ii macsuuntee
Ha moogaan miduun isii
Gacalooy midigtuun isii

Maalintii xiligii la joogaba
Marwadaan kaa dhigan lahaa
Murtida caashaqbaa i hayee
Adaa male ila waday
Adoon is maroorinayn

Macaaneey kuu gudee
Mukurka dumar adoon ku darin
Axdiga wada maariyo
Aroos ma wada galnaa

Naftaa ku magansatee
Anaad ii macsuuntee
Ha moogaan miduun isii
Gacalooy midigtuun isii

Exit mobile version