farxadii aduunkaad tahay
iftiinkii noloshaad tahay
noloshaba aduunbaa iga dhinaa

ducadeena la ajiiboo
RABI wuu aqbalayoo
ALLOW samo ku waarnaa

waxaan helay ayaan badan
aragtida u wacanoo
aqoon baariyoo xishood
xishodbaad sidaa

ubad khayr qaboo
aayaha danbana
aqoon diin barto
intifaac leh baan
ALLOW kaa barinee
idinkuna dadkow
aamiin noogu dara

lamaane is doortaan nahay
ul iyo diirbaan nahay
noloshab aduunbaa
ii dhamaystiree

jacaylkaan abuurniyo
axdigiyo wacadkii
balantii dhexdeeena
waynaka oofinee

adaab hooyaadd ka wadata
anshax iyo asluubtee
aqoon iyo xishood
ALAA kuu dhameeyee

Exit mobile version