Shukriyeey walaaleey
Sheekaday dhagaysoo
Shan hablood iiga rooneey
Sheekaday dhagaysoo

Shaaca aan ka qaadoo
Sharcigaa ku sheegay
Sharafbaad wax dheertahay
Habalaha maanta jooga

Sidii malabka shinadaad
Macaankiisa leedaa
Shan hablood iiga rooneey
Sheekadeey dhagayso

Shaaca aan ka qaadoo
Sharcigaa ku sheegay
Sharafbaad wax dheertahay
Habalaha maanta jooga

Shidadii jacaylkaay
Tii aan usheegtaay
Shan hablood iiga roomeey
Sheekaday dhagaysoo

Shaaca aan ka qaadoo
Sharcigaa ku sheegay
Sharafbaad wax dheertahay
Habalaha maanta jooga

Exit mobile version