Heesta adaan kugu faanayaayee - Lyrics
adoo ii feeranayaana
mid kale la fadhiisigeeda
faduuliba iima gayso
falaadhi qaloocan mayso
adaan kugu faanayaaye
kalgacaylkeenii fogaaday
hadaynu ku faro adaygnay
farxadi waa inoo hadhawe
jacaylkan fudaydin maynee
xagaaga ka foojignow
ilkaha fooda u mudan
dhagtana hadaladu u furan
xantiisa fuluhu ma mooga
adaan kugu faanayaaye
ficilka iga guuri maayo