VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guri dhismo - Lyrics

Waa guri dhismo Waa aroos dhaxal gala Waana loo dhanyahee U dheelno aan u dheelno U dheelno ciyaar U dheelno aan u dheelno U dheelno ciyaar Labada isu dhigan Waa dhal gobeede Ubaxyo wada dhiina Dhiin dhiina Hortooda dhigdhiga Hor dhiga oo dhigdhiga Soo dhawayn uga dhiga Najmaay dheemaneey Dhigaa nuuna heshee Gacmaha isku dhaga Dhexdana is qabsada Dhabanka isa saaroo Is dhunkada idinka is dhunkada Guur dhaqan gala Waa la dhawranayoo Waa dharaar faraxlee Ka dhawrno aan ka dhawrno Ka dhawrno xumaan Labada la dhursugay Wacadkii ay dhigteen Mashxarad ha is dhaadato Cod dheer ugu dhaha U dhaha ugu dhaha Cod dheer ugu dhaha Najmaay dheemaneey Dhigaa nuunaa heshee Gacmaha isu dhaga Dhexdana is qabsada Dhabanka isa saara Oo is dhunkada idinka is dhunkada
Queue is empty
-- / --