VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hablaha mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Marwaan yare
Hablaha

hablaha dheemanka ee hanaanka wacnaa
quruxda hodanka ee hilaawooyee
hidiyo dhaqanku hugoodu yahee
RABOW hadimiyo ka dhawr halisee

RABOW u hibee mustaqbal hoodo le
RABOW hibashada xurmo ka helaan
RABOW u hagaaji hoygay dhisaan
RABOW himilada guur ay ka hantaan

haraad kay tiraan hablaheenu
haldoorbay yihiin hablaheenu
waa wada haldhaa hablaheenu
waa wada hormuud hablaheenu
hadhac iyo qiimo wayn hablaheenu
RABOW noo daa hablaheena

hablaha dahabkee heemaalka qurxoon
ninkii hanan kara hogaan u noqdoo
nolosha la hayoo nafta u huree
RABOW huqiyo hantaaqo ka dhawr

RABOW hadafkood habeen ha heleen
RABOW lagu hidhay halkay joogaan
RABOW lagu himay halkay ka hadlaan
RABOW hooskooda jacayl lagu hantaa

codkii Marwaan yare