Jacayl uurka iyo oogada
Jiraa waaka ugu udgoon
Aduunyada hadoo c/lahi
Baa helay xaaliyoo aroos
Koodii dhacay x2

Gabadh uu asluub eebe
Siiyayoo hooyo ababiso
Akhlaaq lagu korshoo
Quruxdana intaa usii
Dheer tahaa c/lahiyow
Heshay ee ka eeg murug
Iyo xumaan ayay ooyin
Abid ilinteedu quban
X2

Isku waara oo iska
Jira namiin idin kala
Diloo anfacada kacuna
Cishqi lagu nastoo kuwo
Diinta jecel eebe idinsii
Anaguna ducada waan
Idiin hurnee aamin
Rabow u ajiib rabow
X2

Nolol aayo lihi waxay
Oon tirtaa naf naftii u
Roon u adeegaysee
Waad is aamin teen
C/laahi xaaliyay daga
X2

Waa inan suldaan waa
Dhal owliyee oon lagu
Aqoon kibir iyo isqaad
Abtirsiinta guud waa
Ehel ku jecel umaqalanto
Eray aan amaan ahayn
Oo waa asturan aabahed
Dhisee arxam keeda dhowr
X2

Isku waara oo iska
Jira namiin idin kala
Diloo anfacada kacuna
Cishqi lagu nastoo kuwo
Diinta jecel eebe idinsii
Anaguna ducada waan
Idiin hurnee aamin
Rabow u ajiib rabow
X2

Exit mobile version