VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Waqtiga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Marwaan yare
Waqtiga

Waa duni waxtarkiisa iyo
Dantiisa qofkaad wadaa
Adiga si cad kuu wanjaloo
2x
Ogow waxa jira naflaha
Wajiyo badan qaar lahoow
Wanaaguba aan xajin
Ogow waxa jira naflaha
Wajiyo badan qaar lahoo
Wanaaguba uga daro

Waligaa ma malayn kartidee
Ha u qaadan si weyn qof kale
Si waafi Adoon u baran
2x
Jacaylkii ahaa waxyiga
Dadbaa weer moodayee
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Waligaa ma malayn kartidee
Ha u qaadan si weyn qof kale
Si waafi Adoon u baran

Jacaylkii ahaa waxyiga
Dadbaa weer moodayee
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha

Waa duunyo wacaasha iyo
Warkiisa qofkaad xafido
Ceebtaada banaan ka wado
2x
Dadkuba waa wada xariir
Wugiyo maalmaha horee
Dhowr wajiiluhu yuu ku dagin
2x
Qof aad dad walaashataa
Marbuu waran kuu tuntaa
Wadkaaga la qeyb noqdaa
2x
Jacaylkii ahaa waxyiga
Dadbaa weer moodayee
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Waligaa ma malayn kartidee
Ha u qaadan si weyn qof kale
Si waafi Adoon u baran

Jacaylkii ahaa waxyiga
Dadbaa weer moodayee
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha
Wakhtiga ha iska siin mar kale
Qof aan u qalmin wadnaha

codkii Marwaan yare