VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xadrayn jacayl - Lyrics

Xuuralcayntii janadaay xabiibi geenyo xasuus igu reebtay baa tahee Qalanjadii xaadayda kicisaay Xidigtaan dumarkaba xushaay Xubiyee jacayl xaddhaaf Xiska iyo qalbiga ku xeertoo Xidadada dhiiga xanbaara Xinjiro isku noqdee xadhibateen Xiriirka dhaxdeena yaal Ku xamdiyay alla dooqa soo xulay Ku xadreeyay jacaylka xasilay Xiisaha kalgacayl xagaaga Xoojiyoo kaba dhowr xumaan Xuuralcayntii janadaay xabiibi Xariir gob xubno jalaqsanaay Xigtooy qurux ku xaragoootaay Xurmo iyo sharaf lagu xusaay Xaasheey ka dhowr xajiino Xuray caashaqa oo xushmeeyoo Kaa xigsaday xawaleeda idiloo Xaqdhowr badan isiiy xalaaloo Xiriirka dhaxdeena yaal Ku xamdiyay alla dooqa soo xulay Ku xadreeyay jacaylka xasilay Xiisaha kalgacayl xagaaga Xoojiyoo kaba dhowr xumaan
Queue is empty
-- / --