Talaabo kastood qaado
Dad baa tiriyoo la yaaba
Dad baa qaatiyaal ka taagan
Haltiigsiga hormarkaaga
Jeclaada inaad torantarooto

Haddaad tawakalto EEBE
Talada isaga udhiibto
Ruux kuu taag heli ma jiro

Rabbaa garabkaaga taagan
Isaga taakuleen ku siin
Taasuun qalbigaaga gali
Nafyahay
taas uun qalbigaaga gali

Dadbaa geed timir ah siibba
ku talaalla booskeeda tiinka
Dad baa kuu tala xumeeya
Adoo toobiyaha toosan
Mar heesto sax ugu taagan

Rabbaa garabkaaga taagan
Isaga taakuleen ku siin
Taasuun qalbigaaga gali
Nafyahay
taas uun qalbigaaga gali
Xaasadkaa tilmaantii ha raacin
Warhooy tacabkii ha goosan
Talada yee ku seegin maanta

Exit mobile version