Falakiga cilmigu waa
Fal iyo burji u ekee
2x

Fakradahoodaa la waydii
Abwaan faala u sheeg
2x

Farsamaa
Faras layskaga degaabaa
La yiri
Fal xumaa
Firin layskugu dilaabaa
La yiri
2x

Feeginoow
2x

Intaadan wax falin
Ka fiirsaa la yidhi

Fadhi yare geel
Fugucle rag iyo
Fududo haween
2x

Midba faa'ido ma le baa la yiri
Baa la yiri
3x

Cirku foori iyo laydh
Fadku maruu da'aa jira
2x

Ragna fiid ciyaar tumo
Faacuuga haraa jira
2x

Farxad baa geesiga
Laga fishaa baa la yiri
Ma fakere dhege xume
Kaama fogaad la yiri
2x

Feeginoow
2x

Intaadan wax falin Ka fiirsaa la yiri
2x

Fadhiyare geel
Fugucle rag iyo
Fududo haween
Midna faa'ido ma le baa la yiri
Baa la yiri
3x

Exit mobile version