VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Halxidhaale mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maryan Mursal
Halxidhaale

Cumar Dhuule

Hadal kaa da’ weynoo
lagu doodi karayoo
dooddan waan ku leeyee
dahaboy u fiirsoo
dhulka waxaan u soo degin
cirkana daaro ku lahayn
ee duula ii sheeg?

Maryan Mursal

Dhulka waxaan u soo degin
cirkana daaro ku lahayn
ee duula ii sheeg
anaad igu dayaysaye
fiidmeerta weeyaan.

Hadal kaa da’ weynoo
dib u baadi doontaa
waa xeerka dunidee
dayroow u fiirsoo
cudurkii ku doorshee
daduu helo aan dilin
dawo yeelan ii sheeg?

Cumar Dhuule

cudurkii ku doorshee
daduu helo aan dilin
dawo yeelan sheegaye
Adba kaama daahnee
doqonnimo weeyaan.

Waa iga digniinoo
waa iga dardaarane
daduubta aan ku leeyahay
dahaboy u fiirso
waxa socodka diinka leh
dabayshana ka orod badan
een daalin iisheeg?

Maryan Mursal

waxa socodka diinka leh
dabayshana ka orod badan
een daalin sheegaye
diintay ku taale
dayaxeenna weeyaan

Dabarka iyo hoggaanka iyo
dadaal joogto weeyaan
waxa la’isku dagayee
dayrow u fiirso
wax dugaagga raacoo
dibeddana u hoydoo
dad la moodo ii sheeg

Cumar Dhuule
Haaaaaa
wax dugaagga raacoo
dibeddana u hoydoo
dad la moodo sheegaye

Daanyeerka weeyaan

Wixii daacad loo yahay
dariiq looma waayee
dahaboy u fiirso
xiddigahan dusheenna ah
middaan uga dan leeyahee
een doonayo ii sheeg

Maryan Mursal

xiddigaha dusheenna ah
middaad uga dan leedahee
doonayso sheegaye
calankeenna doogga
waataa ku daabacan

Daruur soo hillaacday iyo
roob xalayto da’aybaa
deg-deg ugu riyoodee
dayrow u fiirso
qof dibbiro la jiifoo
gaajana la daacoo
diidaya ii sheeg

Cumar Dhuule

Dhega
qof dibbiro la jiifoo
gaajana la daacoo
diidaya sheegaye
waa dumarka uurka leh

codkii Maryan Mursal, Omar Dhuule