markaan isla joognay kenyo
kalgacalkiyo caashaqeenii
kolaba ma ilaawi karo
kaftankiyo sheekadeenii
mmarkaan isku kali ahayn
kolaba ma ilaawi karo
kalaamka dad kale ha maqal
kalsoonaan kaa rabaa
kun jeer anigaa ku jecel

hadaan kiishoow anigu
kurtood raga ka jeclaaday
naftuna kugu kooban tahay
anigu kii aan jeclaayoow
kahkiyo laabtaydibaa
kol walba ku xasuusanaysa
kalaamka dad kale ha maqal
kalsoonaan kaa rabaa
kun jeer anigaa ku jecel
kiishoow anigaa ku jecel

Exit mobile version