Leebkii jacaylkoo
Lalayaa i jiidhoo
Laabtayda galayaa

Ladi waayay laamadoodi waayay
Waa mid la igu ladhayoo
Ladi waayay laamadoodi waayay
Waa mid igu lamaanoo

Laakimo badanoo
Lugooyada ku naaxee

Ma i lulay sidii labi
Ma laamalaawsha

Ma libaaxaan kulanaa
Ladanaw ku moodaa

Laaban waayay libiqsan waayay
Waa mid iga laxaad wayn

Luqunta isku duuboo
Lugna igu tabceeyee

Laas biyo macaan iyo
Lo'da caanaheediyo
Liqi waayay oontii

Libdhi waayay
Lumina waayay
Waa mid la igu ladhayoo

Sidii layliyo qays
Laxaadkaan la galayaa

Exit mobile version