VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mala dhuubtay awgaa - Lyrics

Igu dheere Inantani Waataan dhursugayee Dhuuniga u diideen Hurdo uga dhaqaaqee Dheeheeda midabkale Waa mid loo dhammeeyoo Aaa maba kala maba kala Maba kala dhantaallee Amba kugu dhadhabayoo Labada isu dhigantaa Mid hadduu dhantaalmana Dhisme uma hagaagee Amba dhuubtey awgaa Habeennadan dhibaatee Dhayalsadey Jaceylkuye Inta dhan ii ridey Ma dhex galay wadnaha oo Mala dhuuntey awgaa Amba dhamac kalgacal baa Inta aan la dhalandholay I dhalaalineysoo Dhexdu ila yaraatee Dhadhab kugu xasuustoo Riyo kugula dheelee Dhalal xuuralceyney Dhanaad qabatay waayee Kolkaad soo dhawaataa Dhulku wada iftiimaa Aaa maba kala maba kala Maba kala dhantaallidee Laba kala dhignaatoo Waxaan nahay dharaar qura Haddii ay is dhaafaan Isu dheeliyeysee Amba dhuubtey awgaa Habeennadan dhibaatee Dhayalsadey Jaceylkuye Inta dhan ii ridey Ma dhex galay wadnaha oo Mala dhuuntey awgaa Amba dhamac kalgacal baa Inta aan la dhalandholay I dhalaalineysoo Dhexdu ila yaraatee Sida dhuub gu’yoo baxay Ama dharab arooryaad Dhillowyahanka ubaxa leh Dhaayaha u rooneey Dhab u socodka laafyaha Waa midaad u dhalatoo Aaa maba kala maba kala Maba kala dhantaallidee Amba kuma dhaliiline Sidaad iigu dheer tahay Dhaxalkeyga kugu qoray Inaad tahay kaan dhowrtee Amba dhuubtey awgaa Habeennadan dhibaatee Dhayalsadey Jaceylkuye Inta dhan ii ridey Ma dhex galay wadnaha oo Mala dhuuntey awgaa Amba dhamac kalgacal baa Inta aan la dhalandholay I dhalaalineysoo Dhexdu ila yaraatee Lyrics by Cabduqaadir Xasan Shaaciye
Queue is empty
-- / --