dayax bari kasoo baxay
bada dacal iftiinshoo
barbaarta iyo ciyaaraha

baloolayda heesaha
waa barwaaqiyo nagi
loo bogay amaanloo
beeshu ay tilmaantee

baryo waxaan u jiifaa
beerkayga shidayee
waa jacayl bislaadaye
birmadkaan sugayow
buga kaalay igu qabo

shinbir baalka lulayoo
bilicdiisa quruxda
ugu baaqay qayrkii

bu'da nolosha waayahay
waa bildhaanta caashaqa
loo balan arooskii
bandhigiisa quruxda lehe

gaadhsii badhaadhaha
adaa igu bilaabaye
waa jacayl bislaadaye
birmadkaan sugaayow
boga kaalay igu qabo

Exit mobile version