Heesta Masuul qaran - Lyrics
waxuu QAADIR kuu qoray
qofna kaama qaatee
ha u qaylin qayb kaluu
qayrkaagu qaatee
ha qodin god qiyaano
qof xaqii ha quudan
qiiro yay ku qaadine
qarka dheer kaa ridin
is qabo naftu yay ku qaribine
qof xun qool la' kaa dhigine
qabo naftu yay ku qalabine
kaa qasaarisaa qiyaamaha e
inuu quursi qalad yahay
qof ku qanca maan arag
qosol la isla qabinee
waa qaraabo goysee
qorshaynta madaxnimo
masuul weeyi qaranoo
waa inaad u qalantaa
qibrad iyo aqoontee